Ceerigaabo

1 Like

Qaari Cabdiraxmaan sh jaamac saalax oo ah guulaystaha qur’aanka kariimka ah ee heer qaran, ayaa galabta lagu soo dhoweeyey magaalada ceerigaabo.

1 Like

1 Like

CILMI BAADHIS

Kulliyadda Beeraraha iyo Xanaanada Xoolaha ee Jaamacadda Sanaag, ayaa maanta oo ah 11-4-2023, soo bandhigtay goynta saddex nooc oo basal ah.

Basashaa oo muddo ku taaley beerta bandhiga ee Jaamacadda, ujeeddadeeduna ahayd in beeraleyda lagula taliyo inay beertaan nooca ugu hor bislaada, cayayaanka iyo cudurada u adkaysan kara, wax soo saarkeeduna sareeyo.

Waxa kale oo la soo bandhigay Koosto iyo Kaabash siidhkoodu gobolka ku cusub yahay.
Bandhigan waxa goob joog ka ahaa ardayda kulliyadda iyo beeraleyda Seeraha.

Allaa Mahad Leh.

1 Like