https://www.roc-taiwan.org/smd_en/post/773.html
Taiwan CPC is scheduled to establish an oversea branch company in Somaliland to partner with Genel Energy to explore oil drilling in Somaliland
https://www.roc-taiwan.org/smd_en/post/773.html
Taiwan CPC is scheduled to establish an oversea branch company in Somaliland to partner with Genel Energy to explore oil drilling in Somaliland
Exploration of the SL10B13 license in Somaliland targeted for 2023 is at risk of slipping into the following year, the CEO of London-listed operator Genel Energy warns. “This is a frontier exploration in a fairly remote location, and there are a lot of activities to get through before we actually start drilling,” says Paul Weir.
“Drilling is scheduled for the end of 2023 or early in 2024.” But any delay is not dimming Genel’s excitement about the block’s potential. “This is a tremendous opportunity, a highly prospective block with multiple prospects and over 5bn bl of the prospective resource identified already.
“We have agreed on a first well location, which is targeting stacked Mesozoic reservoir objectives with individual prospective resource estimates ranging between 100mn and 200mn bl each,” Weir continues.
The firm holds two licenses in Somaliland֫: SL10B13—in which Genel holds a 51pc operated stake, having farmed out the reminder to Taiwanese NOC CPC in December 2021—and Odewayne—where Genel has 50pc and is operator, UK E&P firm Afentra has 36pc and domestic player Petrosoma has 16pc—but the former is much more at the front of its mind.
“The SL10B13 block is our focus because, following some prolonged and very rigorous scientific study, we consider that block to be the one that holds by far the greatest geological potential,” says Weir. “We have got a drill-ready prospect identified; we have got a surface location identified. We have elected to simply go for the most exciting opportunity. The seismic on Odewayne was not nearly as compelling.”
Genel sees securing CPC as a farm-in partner as a validation of its strategy. “It is an important demonstration how we think about capex risk,” says the firm’s CFO, Luke Clements. “We have sat on that Somaliland prospect for a long time, been excited about it for a long time and we have wanted to explore it for a long time.
“We did not want to do it with 100pc equity on it, so we waited. The commercial and asset team has done a great job to bring in a partner, and we are delighted to have a very good partner [which is] sharing the journey with us. It is an example of our business model in action and our patience,” Clements continues.
Somaliland is a de facto sovereign state in the Horn of Africa on the southern coast of the Gulf of Aden. It is bordered by Djibouti to the northwest, Ethiopia to the south and west, and the rest of Somalia to the east.
17 January 2023
Genel Energy plc
Trading and operations update
2023 OUTLOOK AND GUIDANCE
Up to c.$25 million expenditure in Somaliland, as we progress towards the spudding of theToosan-1 well in this frontier basin
PRE-PRODUCTION BUSINESS
• Somaliland
![]()
1 - 2 years to drill a well?
At the very least.
Most frontier exploration is now offshore, where a single exploratory well can cost $150 million, and the success rate is about one in five. It typically takes several years before an exploratory well can be brought into production. Commercial success rates for onshore exploratory wells rose to 53% in 2017, from 30% in 2016.
Because proven reserves are almost as valuable as oil itself, exploration companies are becoming increasingly hi-tech and are investing heavily in data analytics. Drilling companies are gathering digital data directly from their wells.
The four phases of the oil and gas extraction process are as follows:
Bishii August sannadkii 2012-kii ayay ahayd markii koowaad ee Somaliland si toos ah loogaga dhawaaqay in laga bilaabay arrimaha shidaal qodista, sahaminta iyo hawlgallada kale ee la xidhiidha soo saarka shidaalka.
Shirkadda uu fadhigeedu yahay magaalada London ee Genel Energy ayaa loo ogolaaday in ay soo saarto shidaalkii koowaad ee Somaliland laga qodo gaar ahaanna goobo cayiman oo ku yaalla gobollada Saraar iyo Daadmadheedh.
Wakhtigaas Genel Energy waxa ay ballan qaaday in ay si deg deg ah hawlaha shidaal qodista u guda gelayso hawshaasna laga soo faraxanalayo muddo aad u kooban. Balse taasi kuma qabsoomin wakhtigii shirkaddu shaacisay oo ahayd in qodista la bilaabayo sannadkii 2014-kii.
Muddo 14 sano ah ka dib, weli dhegaha reer Somaliland waxay dhawrayaan in ay maqlaan shidaal la soo saaray ama qoditaankiisa si dhab ah loo guda galay. Saddexdii xukuumadood ee kala dambeeyey waxa ay isku wareejiyeen hawsha shidaal qodista oo taagan. Mid walibana waxa uu shacabka u sheegayey in shidaalkii la soo saarayo iyada oo aan shacabku wax natiijo ah ilaa hadda haynin.
Haddaba maxaa qaldan? Xaggee bay Salaaddu ka xidhmi la’dahay? Maxaa hor taagan in shidaalka la soo saaro muddo 20 sano ku dhaw? Yaa haysta hawshan?
Shirkadda Somaliland siisay qodista shidaalka ee Genel Energy waxa saamiga ugu badan ku leh dawladda Turkiga oo ahayd ciddii Somaliland hawshan kala hadashay kuna qancisay in ay siiso goobo shirkaddani shidaal baadhis ka samayso. Turkiga oo saamayn badan Somaliland ku lahaa 2011 ilaa 2015 waxa uu ku guulaystay in uu shirkaddan Somaliland ku qanciyo si ay shidaal uga baadho, waxana sida VOA daabacaday 2012-kii uu Turkigu doonayey in uu soo saaro shidaalka Somaliland isaga oo heshiis ka haysta xukuumaddii markaas talada haysay.
Tony Hayward oo ahaa maamuulihii shirkadda Genel Energy waxa uu sannadkii 2012-kii yimi Hargeysa waxana uu kulan la qaatay madaxweynihii hore ee Somalilanda AHN Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxana uu sheegay in ay si deg deg ah u guda gelayaan qodista ceelkii koowaad ee shidaal ah oo ku yaalla gudaha Somaliland. Haayeeshe masuulkani waxa uu xilka shirkadda ka tegay sannadkii 2017-kii isaga oo aan wax hawl ah ka fulin ballan qaadkii uu ku dhawaaqay.
Hadda muddo 15 sano ku dhaw ayaa Genel Energy oo Turkigu qayb libaax ku lee yahay haystaa qodista shidaalka Somaliland. Mana jiro wax ka fulay dhammaanba ballan qaadyadii ay hore u samaysay. Halka Turkigu uu fulinayo heshiiskii uu Soomaaliya la galay 2024 oo qodistii uu wado.
Xilligii uu wanaagsanaa xidhiidhka Somaliland iyo Turkigu iyo hadda oo uu sii xumaaday midkoodna wax muuqata kama qaban arrimaha shidaal qodista.
Xukuumadda Somaliland iyaduna geesteeda marnaba shacabka uma soo bandhigin meesha wax marayaan iyo xaqiiqda dhab ah ee ku gedaaman shidaalka Somaliland gaar ahaanna waxa haysta ee loo qodi waayey!
Tusaale ahaan shirkadda Genel Energy waxa ay sannadkii 2015 kii bilowday qodista ceel shidaal oo ku yaalla dalka Afrikada Galbeed dhaca ee Ivory cost, balse markii la baadhay isla sannadkaas waaa laga waayey wax shidaal ah. Halka shirkaddu sheegayso in Somaliland ay shidaal ka heshay, la calaamadiyey ceelalkii sida ceelka Toosan ee magaalada Xood ee degmada Qoryaale balse aan ilaa hadda la soo saarin.
Si aad u fahanto muddada intaas leeg waxa Somaliland u qabsoomay iyada oo shidaalkaas la baadhayo, wax la dhisay dekedda Berbera, jidka Berbera Corridor, aqoonsigii koowaad, saddex madaxweyne ayaa is beddelay, laba Gole ayaa la doortay, qofkii dhashay 2012 maanta waa 14 jir ay suurta gal tahay in uu qoraalkan akhriyayo!
Xillima ayaa dadka Somaliland loo sheegi doonaa xaqiiqda ku qarsoon baadhista 15 ka sano qaadatay ee shirkadda Turkigu Somaliland ka waddo? Mallaga yaabaa in shidaal soo saarista Soomaaliya ee sannadkii hore la bilaabay ay ka soo horrayso shidaal baadhista Somaliland ee 2012 la bilaabay? Maxaa keenay in Turkigu uu muddo yar ku hawl geliyo shidaal baadhista Soomaaliya halka Somaliland uu muddo 14 sano ah weli kor u hayo? Ma waxa jira arrimo qarsoon oo xukuumaddu shacabkeeda ka qarinayso? Ballan qaadkii ugu dambeeyey ee madaxweyne Cirro waxa uu ahaa in sannadka 2027 la soo saarayo shidaalka Somaliland, 2027 waxa hadda innaga xiga 5 bilood oo keliya mana muuqato wax saan saan ah oo hawshan lagu qabanayo !
Suuragal ma tahay in shirkad saami weyn Turkigu ku leeyahay ay Somaliland shidaal u soo saaro ?