Alex Salool iyo ina adeerkiis Meykal Mariyaano waa labo halmagaa oo Soomaaliyeed oo kaalin weyn ku lahaa xorriyaddii labadii gobol ee calanka qaatay 1960.
Waxay sidoo kale halgan weyn ku bixiyeen sidii Hawd iyo Reserve Area ay uga xoroobi lahaayeen gumaystihii Ingiriiska.
Ilma Salool waxay asal ahaan ka soo jeedaan magaalada Xiis ee gobolka Sanaag, balse Alex Salool iyo walaalihii waxay ku dhasheen kuna barbaareen magaalada Cadan ee dalka Yemen
.
Alex Salool, si gaar ah waxa uu uga dhex muuqday dhismihii Ururkii dhallinyarada ee SYL, waxaana uu gaar isagu u lahaa allifaada astaamaha iyo calanka SYL.
Iima suurtagelin inaan helo taariikhda uu dhashay Alex Salool iyo tan uu dhintay iyo halka uu ku dhintay toona. Fadlan nala wadaag haddaad wax ka hayso.
Alex Salool iyo Meykal Mariyaano oo ahaa labo nin oo ilma adeer ah oo Habar Jeclo ah, waxay waligood ku suntanaan doonaan halgankii gobonimo doonka ee Soomaalida.
