Bank of Somaliland and Central Deposit Insurance Corporation (CDIC – Taiwan)


Baanka Somaliland iyo Hay’adda Central Deposit Insurance Corporation (CDIC – Taiwan) oo ku heshiiyey Qorshe Fulineed Hal Sanno ah kaas oo lagu Hirgelinayo Is-af-garadkkii dhinaca Caymiska Dhigaallada ee ay hore u kala saxeexdeen 18-June-2026.

Baanka Somaliland (Hargeisa-Somaliland) 31-08-26)

Baanka Dhexe Somaliland iyo Hay’adda Dhexe ee Caymiska Dhigaallada (CDIC – Taiwan ) ayaa yeeshay kullan lagu xoojinayo iskaashiga ku salaysan Is-afgaradkii (MOU) ay hore u kala saxeexdeen 18-June-2026. labada dhinac.

Kullanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray mudnaanta horumarinta nidaamka caymiska dhigaalka, taageerada farsamo ee ay CDIC-Taiwan siin karto Baanka Dhexe Ee Somaliland, is-weydaarsiga aqoonta shaqaalaha iyo dhisidda awoodda Bangiga Dhexe.

Labada dhinac waxay ku heshiiyeen qorshe Fulineed hal sanno ah, kaas oo qeexaya hawlaha mudnaanta leh meelaha iskaashiga farsamo oo xooga saarayo iyo jadwalka fulinta qorshe hawleedkaas.

Qorshahaas Fulintu wuxuu taageeri doonaa horumarinta nidaamka caymiska dhigaalka Somaliland isagoo ka taageeri doona dhinacyada farsamo, shuruucda, is-weydaarsiga aqoonta , shaqaalaha iyo kor u qaadida awoodda Bangiga Dhexe Ee Somaliland ee dhinacyada caymiska dhigaalka.

Baanka Dhexe Somaliland wuxuu hay’adda caysmiska dhigaallada ee CDIC uga mahad celiyey taageeradeeda joogtada ah iyo doorkeeda ku aaddan dhisidda nidaamkan udub-dhexaadka u noqon doona Xasiloonida Maaliyeed ee dalka iyo Xoojinta hawlaha Kor-joogtaynta Bangiga Dhexe Somaliland.

Kullanku waxa uu muujiyey sida ay labada hay’adood uga go’an tahay xoojinta xasilloonida maaliyadeed, kordhinta kalsoonida dadweynaha iyo hirgelinta nidaam caymis dhigaal oo waara taariikhda markii u horaysayna ka hanaqaada gudaha Somaliland.

■ Kullanka waxaa dhinaca Baanka hoggaamiyey Guddoomiye Ku-xigeenka Baanka Dhexe Mudane Xamse Cabdiraxmaan Khayre iyo Agaasimaha Guud Mudane Yaasiin Jaamac Axmed, waxaana ku wehelinayey Saraakiil sare oo Baanka Somaliland ah.

■ Dhinaca CDIC- Taiwan waxaa hoggaaminaysay Ms. Yvonne Fan (Ku-xigeenka Madaxa Sare ee Fulinta CDIC- Taiwan) iyo saariikasha ugu sarraysa ee Hay’adda Caymiska Kaydka dhigaalka Lacagaha ee dalka Taiwan.

Kulankan iyo Qorshaha Fulineed ee Hal-ka Sanno ah ayaa ka tarjumaya tallaabo muhiim ah oo loo qaaday xoojinta iskaashiga u dhexeeya Baanka Somaliland iyo CDIC-Taiwan iyo dadaallada lagu dhisayo nidaam Caymis Dhigaal oo casri ah, hufan oo waara, kaas oo qayb muhiim ah ka noqon doona horumarinta iyo xasilloonida nidaamka maaliyadeed ee Somaliland.

See less