Hargeysa(Hayaannews): Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali-waraabe, ayaa markii ugu horreysay ku hanjabay inuu Muqdisho ka degi doono haddii Madaxweynaha Somaliland isku dayo wadahadal aan lagala tashan uu la dawladda Soomaaliya xilligan.
Eng Faysal oo waraysi siiyey laanta afka Soomaaliga Idaacadda BBC-da, ayaa sheegay in xukuumadda hadda jirta ee Somaliland aanay xaq u lahayn in ay wada-hadal la gasho cidna, waxaannu si adag uga soo horjeestay inay waqtigan dib u bilaabaan wadahadalladii u dhexeeyey Jamhuuriyadda Somaliland iyo dawladda Soomaaliya