Homecoming: The SNM's toughest decision

Watch Dr. Gaboose’s recollections of Siyad Barre’s final trip to what was known as ‘Northern Regions’ of Somalia.

We have heard and watched countless recollection stories and interviews from the SNM’s side. But rarely do we hear the otherside and what was going on there.

Dr. Gaboose had the front-row seat on what was happening on the other side and is perhaps one of the few men that have such authoritative history.

In this thread, I will try to collect all the relevant historic articles or otherwise related documents/videos.

The first meeting between Siyad Barre and Mingistu in Djibouti occurred in 1986. In the first meeting the only success was the exchange of Prisoners of War from 1977 war. Due to disagreements in reaching an agreement on ‘border’ issue, there was no further steps taken.

It was not until in 1988 when the two sides met again in Djibouti. This time, both sides were desparate to normalise relations. The fact that Afwayne signed away and relinquished all claims to Somali Region in the second meeting, sheds light that Somalia was more desperate than the Ethiopians.

Afwayne talking about the first meeting with the Ethiopians.
https://www.youtube.com/watch?v=5bfB6BnZRZ0

Gaboose fikrad Kalaan ka haystay .

Waraysi General Morgan

Qaybtii 3aad waraysi uu bixiyay Dr. Maxamed Cabdi Gaboose

BBC Somali translated Martin Plaut’s (Twitter @martinplaut) report on SNM took over Burco and Hargeisa.

1 Like

Yusuf Garaad, wada hadaladdii u furmay Somalia iyo Ethiopia April 1988.

Heshiis Soomaaliya iyo Ethiopia - Taxanaha Maxaabbiistii 77 - Qaybta Lix iyo Tobnaad

image

Berhanu Bayeh

Dagaalkii 1977 ee Soomaaliya iyo Ethiopia waxaa xigay xaalad aan col ahayn nabadna ahayn. Waxaa soohdinta labada daraf ka fadhiyay ciidan xoog leh si haddii midka kale uu lacalla soo duulo ay isaga daafacaan. Waxaa dal kastaa uu hubeynayay Jabahadaha la dagaallamaya kan kale. Waxaa idaacadaha labada caasimadood ka baxayay dacaayad ka dhan ah midka kale.

1988 ayaa Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre iyo Hoggaamiye Mengistu Hailemariam ay ku kulmeen Djibouti, caasimadda Jamhuriyadda Djibouti.

Labada hoggaamiye waxay la noolaayeen xanuunka Jabhado ku sii xoogeysanaya. Awoodda militer ee jabhadaha, culeyskooda siyaasadeed iyo galaangalkooda diblomaasiyadeedba waxay khatar ku hayeen jiritaanka Dowladaha labada Hoggaamiye ay Madaxda ka yihiin iyo xataa jiritaanka ilaa xad dalalkooda.

Wadahadalka marka loo fariistay, labada dhinac midkood wuxuu soo jeediyay in xaaladda colna aan ahayna nabadna aan ahayn ee tan 1977 taagnayd laga baxo. Wuxuu soo jeediyay in xaaladdaas looga gudbo in ciidanka soohdinta isku hor fadhiya la kala qaado. Sidoo kale wuxuu soo jeediyay in la joojiyo dacaayadaha uu mid waliba kan kale ka fidinayo.

Marka intaas la helo oo ay kalsooni abuuranto in loo gudbo ka wadahadalka soohdinta lagu muransan yahay ee labada dal.

Dhanka kale, sidaa ma dooneyn mana oggoleyn. Wuxuu qabay in waxa ugu horreeya ee laga wadahadlayaa ay noqdaan muranka soohdinta. Taas oo aan laga heshiinna ma imaan karto ayuu yiri kalsooni iyo in xiriirka caadi laga dhigo.

Waa laba mowqif oo isdiiddan haddana labada dhinac mid waliba mowqifkiisa ayuu ku adkeystay. Labada Hoggaamiye sidaa ayay ku kala kaceen. Wadahadalkana wax natiijo ahi kama soo bixin sida uu mas’uul miiska wadahadalka fadhiyay ii sheegay.

Berbera

Madaxweyne Siyaad dalka ayuu ku soo laabtay wuxuuna ka billaabay booqasho uu ku tegey degaanno ay ka mid yihiin Hargeysa iyo ka dib Berbera.

Isaga oo ku sugan Berbera, Madaxweyne Maxamed Siyaad waxaa soo gaartay farriin ka timid Ethiopia. Diblomaasi Sare oo Soomaali ah oo farriinta siday ayaa ku wargeliyay in wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ethiopia uu diyaar u yahay in uu yimaado Muqdisho si uu wadahadal ula galo Dowladda Soomaaliya. Siyaad arrintaa wuu aqbalay.

April 1988 waxaa Muqdisho ka soo degay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ethiopia, Berhanu Bayeh iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Wadahadal labada Dowladood ku dhex maray Muqdisho ka dib ayay Soomaaliya iyo Ethiopia soo saareen war-murtiyeed ay ku heshiiyeen qodobbo dhowr ah.

Waxaa uu heshiiskaasi dhigayay in ciidammada la kala fogeeyo oo mid waliba uu dib uga sii gurto soohdinta, in la labada dhinac uu mid kastaa joojiyo propagaandada ka dhanka ah midka kale iyo in labada dal ay is-wedyaarsadaan maxaabbiistii ay ku kala qabsadeen dagaalkii 1977.

War-murtiyeedka waxaa wadajir u soo saaray Axmed Maxamuud Faarax iyo Berhanu Bayeh.

Axamed Maxamuud Faarax wuxuu ahaa Ra’iisal Wasaare Ku Xigeen, wuxuuna ka tirsanaa Guddiga Siyaasadda ee halka Xisbi ee siyaadeed ee dalka ka jiray. Axmed waxaa kale uu ka mid ahaa Golihii Sare ee Kacaanka oo ay xubno ka ahaayeen 25-kii sarkaal ee talada dalka xoog kula wareegay 21-kii Oktoobar 1969.

Berhanu Bayeh, waa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ethiopia.

ICRC

Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas dhowr jeer oo hore ayuu Soomaaliya iyo Ethiopia u qoray waxa afka diblomaasiyadda lagu yiraahdo Afti Rasmi ah (note verbale). Wuxuu u soo jeediyay labada Dowladood in Maxaabbiista la isu celiyo. Aftida Rasmiga ah ee ugu dambeysay waxaa labada Dowladoodba ay ICRC u dirtay 14 Maarso 1988.

Markii April ay ka war heshay in ay labada Dowladood ku heshiiyeen in Maxaabbiista ay is weydaarsadaan, ICRC mar kale ayay labada Dowladoodba u sheegtay in ay diyaar u tahay in ay iyadu fuliso howlgalka kala beddeleshada maxaabbiista.

Labada Dowladoodba waa ay aqbaleen. Waxay ahayd tallaabo aadminnimo oo macna weyn ku fadhida.

Galabta uu soo dhacay warka ku saabsan in heshiis ay ku gaareen Soomaaliya iyo Ethiopia in ay maxaabbiista is weydaarsadaan, waxaan joogay Wakaaladda Wararka ee SONNA. Waxaan markiiba telefoon ku wargeliyay Madaxa ICRC oo ka warsugayay waxa ka soo baxa wadahadalka labada Dowladood.

Xusuus iyo Uur-ku-taallo

Waxaan galabtaa soo xusuustay hadalkii Cabdulle Bashiir markii aan ugu tegey Naar Weyne. Waxaan u sheegay wiilkiisu in uu nool yahay kuna xiran yahay Ethiopia. Saaxiibkiis oo arrintaa quus ka muujiyay ayuu Cabdulle ugu jawaabay “inta labada Oday ka wadahadlaayaan eey ka shiran tahay”. Sheekadaas waxaad ka akhrisan kartaa Qaybta Afraad ee Txanaha Maxaabbiista oo cinwaakeedu yahay Caliyaale iyo Naar Weye.

Nin oday ah oo maxaabbiista Ethiopia ka mid ah, oo ku jiray Isbitaalka Digfeer ayaan isagana maalmihii heshiiska xigay waxaan weydiiyay in uu maqlay in labada Dowladood ay heshiis gaareen oo la geynayo dalkiisa.

Ismaynaan af aqoon oo waxaa noo kala tarjumayay mid ka mid ah Maxaabbiista Ethiopia oo af Soomaali bartay ku dhowaad 11-kii sano ee uu Soomaaliya ku xirnaa.

Odagii in door ah ayuu af Xabashi ku hadlayay. Waan la yaabay meeshii aan haa ama maya ka sugayay, hadalkan badan ee uu taxayaa wuxuu noqon karo.

Tarjubaanka ayaa markiiba ii fasiray.

Wuxuu odagu sheegay noloshiisa in laba jeer uu damcay in uu is dilo. Mar waxay ahayd ayuu yiri markii beertiisa laga soo dhex qabtay, naagtiisii iyo dukaankiisii laga soo kaxeeyay ee xabsi Muqdisho yaalla la dhigay. Si iyo wax aan isku dilo ayaan heli waayay ayuu yiri.

Marka labaad ee aan damcay in aan is dilo waa hadda ayuu yiri. Waa marka aan muddada intaa le’eg xabsi ku jiray aniga oo aan waxba galabsan ee hadda la igu jeesjeesayo ee la i leeyahay dalkaaga ayaa lagugu celinayaa.

Waxaan soo xusuustay nolosheydii oo habeenkii ma seexdo. Waxaana i haysa in aan is dilo.

1 Like

WQ: Ex. Wasiir Cabdi Faarax Siciid (Juxaa).

6dii April 1988, 34 Sano ka hor maxaa dhacay?

1). Galabnimadii 6dii Bishii Abril 1988, waxaa Magaalada Muqdisho heshiis ku kala saxiixday Talisyadii Militari ee Somaliya iyo Itoobiya ka jiray ee madaxda ka ahaayeen General Siyad Barre iyo Col. Mingiste Xayle Maryam. Wafdiga Itoobiya waxaa hogaaminayey Wasiirkii Arimaha Dibadda Mr. Burhane Baye, dhanka Somaliyana Wasiir Mr. Cabdirahman Jamac Barre. Labadaas xukun ee askartu horseedka ka aheyd oo kacdoon badan kasoo horjeedeen waxay isla garteen in ay isnabad geliyaan kana bilaabaan joojinta taageerada mucaaradka ka dhanka ah labadooda maamul ee saldhigyada ku lahaa labada dal.

2). 8dii Abril 1988, waxaa Taliskii Militari ee Somaliya albaabada u xidheen idaacadihii iyo xafiisyadii mucaaradkii Taliskii Militari ee Itoobiya, sida Jabhadii EPLF ee Eriterya ka dagaaleysay iyo Jabhadii TPLF ee ka jirtay Gobolka Tigraay.

3). 9kii Abril 1988, waxaa sidoo kale maamulkii Addis Ababa ee Itoobiya albaabada u xidheen Idaacadii Codka Mucaaradka Somaliyeed ee Radiyow Halgan/Kulmis Ismarkaana u sheegeen Hogaamiyaashii SNM iyo SSDF in ay joojiyaan waxkasta oo dhaqdhaqaaqa ee ay Itoobiya ka wadeen.

4). Gudoomiyihii Ururka SNM, Mr. Axmed Maxamed Silaanyo wuxuu la tashi la sameeyey deg deg ah hogaamintii SNM ee siyaasadda iyo ciidamada, waxyar dabadeedna wuxuu u duulay London, UK.

5). Gudoomiyihii Ururkii SSDF Dr. Xasan Cali Mire wuxuu isna wargeliyey hogaankii Siyaasadeed iyo kii Milatari ee joogay Itoobiya intii horey Itoobiya u xidhxidhay mooyee sida Cabdullahi Yusuf, Gudoomiyihii SSDF.

  1. Dr. Xasan Cali Mire isna wuxuu u baqoolay Nairobi si uu ula tashado ruugcadaayadii iyo dadkii talada ku lahaa asaaska Mucaaradka ee u baxsadey Kenya bilawgii sanadadii 1970-dii sida asaasataashii xisbigii SODAF iyo SSDF oo Afrikada bari ku xooganaa.

7). 27kii May 1988, waa Ururkii SNM weerar qorsheeysan ku qaadeen Saldhigyadii Ciidamadii Taliskii Militari ee Somaliya ay ku lahaayeen Gobolada Waqooyi, waxayna si yaab leh uga gacan sareeyeen ciidamadii Taliska Muqdisho kadib kolkii gudaha ay u galeen magaalooyinka waaweyn sida Burco, Hargeysa, Berbera, Gebiley iyo meelo kaleeto.

Taliskii Somaliya xooga ku haystay waxay markaleeto door bideen in ay awood ciidan kaga hortagaan ururka SNM. Waxaa taa ka dhashay iyadoon loo meel dayin in Taliska Muqdisho uu adeegsado goobaha shacabka nooc kasta oo hub ah sida Madaafiicda kala duwan ee wax gumaada iyo diyaaradaha dagaalka.

Waxaa halkaas ka dhashay burbur, baaba iyo gumaad dadkii Somaliyeed ee ku noolaa Gobolada Waqooyi

8). 1989, waxaa bilaabay dhaqdhaqaayo kaleeto oo Xisbiyo mucaarado kale lagu sameeynayo. Rag siyaasiyiin ahaa oo beelaha gobolada dhexe iyo Banaadir kasoo jeedaa horeyna ka mid ahaa SSDF iyo SNM iyo qaar kaloo cusub ayaa asaas u noqday Urur cusub, Golaha Midnimada Somaliyeed (United Somali Congress -USC). Ragaas waxaa ka mid ahaa Xuseen Cali Shido, Maxamed Farax Jimcaale, Cumar Salaad Cilmi, Col. Abdisalam Diini Gorgor, Col. Cabdullahi Ugas Daanbuur, Capt. Sigane, Cali Hagarey, Maxamed Warsame Kiimiko, Cali Osoble Wardhiigley, General Maxamed Farax Caydiid iyo rag kaleeto.

9). 1989/1990, waxaa kale oo bilaamay kacdoono kaleeto, sida Dhaqdhaqaaqa Wadani Somaliyeed ( Somali Patriotic Movement -(SPM) oo hawlgalo ka bilaabay Goboladda Jubooyinka.

10). 1990, waxaa soo baxay in Siyaasiyin hore iyo aqoonyahano waxayna sameeyeen Gole loo dhan yahay oo la magac baxay Manifesto kuwaas oo isku dayey in ay nabad Wadanka ku badbaadiyaan. Laakinse waxaa Taliskii Militari ula dhaqmay si foolxun, qaarkoodna jeelasha ayaa loo taxaabay, taas oo iyana ka sii dartay oo kordhisay kacdoonkii aakhirkiina galaaftay Kacaankii iyo Taliskii Militari ee Madaxda uu u ahaa General Maxamed Siyaad Bare kaasi oo Muqdisho ka huleelay 26kii Janaayo 1991.

Jamhuuriyaddii 2aad ee Somaliya, askartuna maamulayeen mudada 21 Sanadood ah ayaa halkaas ku burburtay, waxaana wadanku galey xili adag, dagaalo sokeeye iyo qeybsanaan Jamhuuriyadii Somaliya ku timid 1990kii. -Keydka/Amb. Abdirashid Aden Seed.“Qoor”

Morgan oo ka hadlaaya heshiiskii Mengistu iyo Siyad Barre ee 1988.