Quality

Biriishkii Hore ee Daray Godle Saaxil

Axmed Ibraahim ayaa ka waramay biriishkii hore ee dooxa Daray Godle, kaas oo la isticmaali jiray ka hor dhismaha jidka laamiga ah ee Berbera iyo Hargeysa (1972–1975).

Biriishkan oo la dhisay wixii ka dambeeyey 1945, wuxuu ahaa mid hal baabuur oo keliya mar ka tallaabi karo, isla markaana qaadi karay ilaa 6 tan. Inkasta oo deegaanka uu wax yar u guuray, haddana biriishku weli waa la adeegsadaa, gaar ahaan dadka geeldammaanka iyo reeraha guuraya.

Waxa uu tusaale u yahay dhismo tayo leh oo waara, isla markaana u baahan in la ilaaliyo.

1 Like