Radio Hargeisa Intro song:
Tani Waa Hargeysoo
Idin kala hadlaysaa
Hiirarka Gaa’ban
Habeen wanaagsan
Radio Hargeisa started broadcasting in 1943 making the oldest Somali speaking Radio Station in the world.


Radio Hargeisa Intro song:
Tani Waa Hargeysoo
Idin kala hadlaysaa
Hiirarka Gaa’ban
Habeen wanaagsan
Radio Hargeisa started broadcasting in 1943 making the oldest Somali speaking Radio Station in the world.


Abwaan Yusuf Xaaji Adan Qabileh, father of Fawzia Yusuf Xaji Adan.
Most likely the dark-skinned girl is young Guduudo Carwo, one of the first Somali female artists.
Standing: Basbaas Dacar, Hussein A. Kahin, Kuluc, Gudoodo Arwo, Ina Nahari.
Sitting: Amina Abdilahi, Xudaydi, Rooraye, Sahra Ahmed, Balweeye and Ismail Cagaf.
What a quality building. Is that a render or stone brick work, whatever it is it has stood the test of time.
“Labadan sawir waxa u dhaxaysay ugu yaraan 70 sano. Qofka dumarka ah waa alaha u naxariistee Shamis Abokor (Guduudo Carwo) ka labaadna waa aniga. Goobtu waa dhismaha Radio Hargeysa”.
Radio Hargeisa needs to be given independent status and managed differently like a public/private enterprise.
The way it is at the moment, its being neglected to say the least.
Jianua27Srmy 3t16 naot 5r:207l5e32 1dPM ·
Idaacadda Hargeysa: 80-guurada astaanta xorriyadda & hoyga taariikhda Soomaalida!
Idaacadda Raadyow Hargeysa oo kulansatay astaamo badan oo ay kaga duwan tahay idaacadaha kale ee la faca ah ee dunnida, waxay sannadkan u dabbaal-degaysaa 80-guuradii ka soo wareegtay aasaaskeeda. Qoraalkani wuxuu xus iyo xusuus ba u yahay kaalinta ay idaacaddani kaga jirtay nolosha bulshada Jamhuuriyadda Somaliland iyo guud ahaan Soomaalida.
Aasaaskii Raadyow Hargeysa:
Ilaa inta la xusuusto taariikhda, soomaalidu waxay ku astaysnayd bulsho qaab hadal ah, tix iyo tiraabba, isugu gudbisa farriimaha. Kaydka maanta ugu ballaadhan ee sooyaalka nololeed ee soomaalidu waa suugaanta, waxaana badankeedu ku kaydsan tahay maskaxaha bulshada xafidsan. Waa halka ay salka ku hayso in qaab-odhaaheedku noqdo mid ka mid ah asbaabaha loogu asteeyay soomaalida, ‘bulsho hadal’. Wakhtiyadii maxmiyaddii Ingiriisku ay joogtay Somaliland, iyadoo maskaxda lagu hayo hannaanka ugu habboon ee farriimuhu ku gaadhi karaan bulshada, waxa la istusay in loo baahan yahay cod-baahiye gaadhi kara bulshada. Waxay uga dan lahayd inay dawladdu mariso ogeysiisyada, siyaadaha iyo shuruucda cusub ee markaa ay soo saarto. Waa mid ka mid ah sababaha cad ee loo aasaasay idaacaddii u horreysay ee af-soomaali ku hadasha dunnida oo dhan.
Sannadkii 1941 ayaa dawladdii Ingiriisku tijaabo gelisay idaacaddii u horreysay ee af-soomaali ku hadasha. Idaacaddaas waxa la odhan jiray Radio Kudu (Idaacadda Goodir). Itaalkeeda baahineed wuxuu ahaa 100-watt, taas oo markii dambe lagu kordhiyay 600-watt oo kale. Tijaabadaasi waxay socotay ilaa bishii December 1942, wakhtigaas oo si rasmi ah ay u hawlgeshay. Waxa markii u horreysay laga bilaabay xarunta agagaarka Cisbitalka weyn ee Hargeysa ee Taar-dheer. Ilaa sannadkii 1944 waxay idaacaddii Goodir ay ku hawlgalaysay magacaas, waxaana isla sannadkaas magaceeda loo beddelay Hargeysa, Raadyow Soomaali – ‘Halkani waa Hargeysa, Raadyow Soomaali’. Waxa la kordhiyay awooddeeda baahineed, waxaana sannadkii 1945 laga dhigay 1 kilowatt, halka sannadkii 1957 laga dhigay 5 kilowatt. Waa taa sababta ay Raadyow Hargeysa u noqotay idaacaddii u horreysay ee af-soomaali ku hadasha ee dunnida laga hirgeliyo. Hirdankii xornimo-doonku wuxuu keenay in la aasaaso qaybtii afsoomaaliga ee Idaacaddii ‘Raadyow Qaahira’ oo ay dawladdii Jamaal Cabdinaasir ee Masar alkuntay, si halgankii xornimo-doonka Somaliland gacan looga geysto. Taasi waxay soo dedejisay in dawladdii Ingiriisku ay sannadkii 1955 rakibto baahintii BBC, iyadoo la dhexmarayo idaacadda Hargeysa, waxaanay kordhisay awooddii baahineed ee Raadyow Hargeysa oo ay ka dhigtay 10 KW. Sannadkii 1957 ayay dawladdii Ingiriisku furtay laanta afka soomaaliga ee BBC iyo luuqadaha kale ee Xawsaha iyo Sawaaxiliga.
Aqoon cusub:
Wakhtiyada ay idaacadda Raadyow Hargeysa bilaabantay iyo muddooyin badan oo ka dambaysay ba, waxay bulshada soomaalida ah, gaar ahaan dadkii ku noolaa Somaliland (Maxiyaddii Ingiriiska ee Somaliland), waxay ku ahayd wax cusub oo soo kordhay. Qofka yaqaanna hab-shaqada idaacaddu amma ugu yaraan fahmi kara sida ay u shaqaysaa, wuxuu ku suntanaa qof dadka aqoon dheer. Goobaha makhaayadaha ee dadka sheeko-wadaagga ah ee waaweyni ay ku kulmi jireen ee magaalooyinku waxay ahaayeen goobaha lagu falanqeeyo aqoonta cusub ee soo korodhay ee ‘birta hadlaysa’.
Sheeko aan ka soo gaadhay looga-qaateen u soo joogay, ayaan u cuskanayaa qodobkan. Waxay ahayd makhaayadda ‘Heegada’, agagaarka saldhigga dhexe ee magaalada Hargeysa ee imika. Waxa halkaa ku taallay makhaayad ay bulshadu ku kulanto, laguna dhegaysto idaacadda Raadyow Hargeysa iyo markii dambeba BBC. Makhaayaddaas waxa yaallay raadyow laga dhegaysto idaacadaha. Habka loo shido ee idaacaddahaa loo geeyo, waxa aqoonteeda lahaa hal qof. Inta uu ninkaasi imanayo, waa la sugi jiray si uu uga hadashiiyo idaacadda. Dhismayaal bidhaanta qofka qarisaa kuma oollin aaggaas, sidaasi darteed, waa la qoollaalin jiray oo qooraansi lagu bidhaamin jiray in uu soo muuqdo. Marka uu yimaaddo, ayaa inta sacabka loo tumo, isna ka hadashiin jiray raadyowga. Sidaas ayay u ahayd aqoon cusub oo soo korodhay.
Doorkii taabbo-galka fanka:
Raadyow Hargeysa ma ahayn oo kaliya goob lagu baahiyo siyaadaha iyo doonista dawladdii maxmiyadda Ingiriiska ee joogtay Somaliland, balse sidoo kale waxay kaalin ku lahayd koboca garaadka bulshada iyo kacdoonnadii faneed ee ka hano-qaaday Somaliland. Waxay kaalin mug leh ku lahayd in ay Hargeysa noqoto; ‘Hoyga fanka iyo suugaanta Soomaalida’. Aan qoraal kooban ka soo garoocdo oo aan soo xigto qoraal aan hore uga qoray sooyaalkii allahaa u naxariistee Axmed Cali Haaruun (Dararamle).
Sannadkii 1956kii ayaa Cabdilaahi-Qarshe iyo Xuseen Aw-Faarax ay hindiseen koox la yidhaahdo WALAALO HARGEYSA, sababta oo ah riwaayadaha Af-Carabi ayaa lagu dhigi jiray. Markaa labadooda ayaa yidhi, aynu samayno koox Af-Soomaali ku dhigta riwaayadaha. Kooxdaas aasaayaashoodu waxay ahaayeen 14 qof. Waxaana xarun u ahayd guri dabaq amma fooq ah oo dhinaca koonfurta kaga soo jeeda Masjid-Jaamaca weyn ee Hargeysa oo ku yaallay qaybtii loo yaqaannay Seketu-liire.
Wakhtiyadaas fannaaniintu waxay si toos ah u tumi jireen heesaha, isla markaana tabin toos ah ayay gabayada iyo wixii kale ee xog ah u marin jireen idaacadda.
Halgankii gobonnimo-doonka:
Habeennimadii xornimada 26kii June 1960-kii markii ay xorriyadda uga heeseen ‘Beerta Xorriyadda Hargeysa’, ayay kooxdii Walaalo Hargeysa u amba-baxeen Muqdisho. Aan soo xigto qoraalkaa aan ka qoray Dararamle;
“Hal-abuurka Soomaaliyeed madax-bannaanidaa iyo midowgaa waxay ku sawireen Maandeeq oo ahayd hal mataano ku curatay. Hashaa Maandeeq waxa loo tiriyay suugaan faro badan oo aan ka tirmayn taariikhda iyo xiska dadka Soomaaliyeed.
Suugaantu waxay ahayd qalabka ugu roon ee ay dadka Soomaaliyeed ku cabbiri jireen dareenkooda iyo waxa maalintaa taagan; ilaa waqtigan aynu joognona saamayn caynkaas ah way leedahay. Waxaanu muran ka taagnayn in ay Hargeysa beryahaa, xilliyo ka horreeyay iyo in danbe oo badnaydba ahayd xuddunta fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed. Suugaantii lagu soo halgamay, tii lagu dabbaal-degay 1960kii iyo tii markii danbe dawladihii Soomaaliyeed lagu dhalliilayay ama lagula dagaallamayba, lagama badsan Hargeysa. Waxaan odhan karaa wax badan oo lagu darsadayba ma jirin.
Aniga oo aan dedafaynayn dadkii suugaanta kaga dagaal-galay Soomaaliya ama meelo kaleba, waxaan ka hadlayaa waa mugga iyo baaxadda suugaaaneed ee lagu hawl galay, horreyso iyo danbaysoba. Haddii aynu soo qaadanno suugaantii loogu dabbaal-degay xornimadii iyo isku-darkii shaki kuma jiro in aanay Hargeysa cidi la qaybsan. Waxaan taa u maragsan karayaa habeenkii 1dii Juulaay 1960kii oo si loo muuneeyo dabbaal-degyadii Muqdisho ka dhacayay, waxa Hargeysa laga soo dalbaday qayb ka mid ahayd fannaaniintii Walaalo Hargeysa. Taabbo-galka faneed ee guud ahaan Somaliland, gaar ahaanna Hargeysa ka tisqaaday waxa kaalin lama-illaawaan ah ka qaatay Hargeysa, Radio Somali oo 1941kii la furay, ahaydna idaacad af-Soomaali ku hadasha tii ugu horreysay.”
Raadyow Hargeysa waxay door aan la hilmaami ku lahayd halgankii dib-u-xoraynta qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. Aqoonyahankeedii, farsamo-yaqaankeedii iyo saxafiiyiintii milgaha lahaa ee duruufo iyo waayo badan oo kala duwan kaga soo hawlgalay oo qaarkood ilaa maanta ka hawlgalaan, waxay baal dahab ah kaga qoran yihiin taariikhda aan duugoobin ee Raadyow Hargeysa. Muddadii dagaalka lagula jiray taliskii kaliteliska ahaa ee Jamhuuriyaddii Soomaalida afgembiga ku qabsaday, isla markaana xasuuqa ka geystay Jamhuuriyadda Somaliland, waxay idaacadda Raadyow Hargeysa iyo haldoorkeedii qayb laxaad leh ka qaateen dib-ula-soo-noqoshadii xornimada JSL. Wakhtigaas waxay wateen magaca ‘Raadyow Halgan’, waxaana magacii Raadyow Hargeysa dib loo soo celiyay markii qaranka la xoreeyay 1991.
Ababshe:
Raadyow Hargeysa ma ahayn oo kaliya idaacad intaas oo kaalmood kaga jirta sooyaalka nololeed ee soomaalida, hase ahaatee, waa mid ilaa maanta ku jirta kaalinta ababinta afka, aqoonta iyo diinta intaba. Wakhtigii barbaarnimo ee dadka facayga ah ilaa maanta, raadyow Hargeysa waxay noogu astaysnayd/astaysan tahay ababshe, afbare iyo il aqooneed. Ma xusuusto suugaan aan bartay, xafiday amma aan dhegaystay ilaa aan raadyow Hargeysa ka maqlay mooyaane. Waa il-aqooneed iyo diineed oo intaan xusuusto tiraba siddeed jeer ayaa tafsiirka quraanka oo labaatankii sanno ee u dambeeyay uu ka waday Sheekh Maxamed Sheekh Cumar DIrir la soo gunaanaday. Arday badan oo xufaad ah iyo culimo badan oo tafsiirka quraanka iyo aqoonta kale ee diintaba bartay waxay ka aflaxeen Raadyow Hargeysa. Malahayga way yar yihiin inta qof, gaar ahaan da’dii dhalatay 1980aad wixii ka dambeeyay, ee aanay maskaxdoodu ku daabacnayn heeso, suugaan iyo hadallo u ahaa astaan wakhti-sheeg. Aan xuso heestii;
Wallee nin hurdoow, hallowday dantaa!
Dhiirigelin, baraarujin iyo in wakhtigii iskuulka la tegayay ay taagan tahay bay uga dhignayd ardayda. Si la mid ah, ayay summad iyo astaan u ahayd in la gaadhay wakhtigii hurdada, haddiiba ardaydu maqasho heestii uu laxanka iyo midhahaba lahaa AUN Rashiid Balluu Ibraahim ee tuducyadeeda ay ka mid ahaayeen;
Tani waa Hargeysoo,
Hirarka gaaban,
Idinkala hadlaysee,
Habeen wanaagsan,
Waan hoyanayaaye,
Habeen wanaagsan…
Haddaad habowdo,
Hirkaad ogaydbaan,
Ka hadlaynaaye,
Habeen wanaagsan.
Gunaanad:
Raadyow Hargeysa waa taariikh astaan u ah xornimo, hal-adayg bulsheed iyo ababshe aqooneed. Bishii inna dhaaftay ee Diisambar, 2021 ayay ugu buuxday 80-guurada ka soo wareegtay aasaaskeeda. Muddadaas waxay cid ka shaqaysa, cid dhegaysata iyo cid ka hadashaba, soo saartay jiilal isugu jira hoggaamiyayaal iyo aqoonyahan kaleba. Waxaynuna u baahannahay xoojinta iyo tayaynta waxsoosaarkeeda oo ay maanta kaalmaha hore kaga jirto idaacadaha kale ee afsoomaaliga ku hadla. Casriyaynta kaydka 80-jirsaday ayaa iyana u baahan in loo meeldayo. Gebogebadii, waxa qoraalkani xus iyo xusuus ba u yahay, cid kasta oo gacan ka geysatay in ay muddada intaa le’eg jirto, isla markaana ahaato il-wareed iyo hoy aqooneed bulshadu wax ka barato. Saxafiiyiinta, injineerrada, maamulka iyo cid kasta tacab gelisay muddadaa ay jirtay iyadoo lagu jiro waayo kala duwan, in dhimatay iyo in noolba, waa kuwo ku suntanaan doona taariikhda Jamhuuriyadda Somaliland.
Ahmed Gacayte Yusuf
Axmed Gacayte Yuusuf sannadkii 1948 ayuu ku dhashay magaalada Hargeysa, xaafadda xiddigta halkaas ayuu ku kacaamay oo waayihiisii dhallaannimo ku qaatay, kolkii uu hanaqaaday waxa uu waxbarashada ka bilaabay dugsiga Axmed-Gurey ee Hargeysa.
Billaawgii dawladnimada Soomaaliya markay curatay,1960s waxaa ardayda iskuullada laga soo xuli jiray qofkii hibo faneed leh jaadkay doontaba ha noqoto’e. Dabayaaqadii,1964 ayay koox wariyaal ah oo ka hawlgala raadiyow Hargeysa oo iskuulada magaalada mikrifoon la dhex qaadayay kana soo xulanayay qofkii heesi kara booqdeen dugsiga Axmed-Gurey, arday tobaneeyo ah oo maalintaa codkooda la tijaabiyay ayuu ka mid ahaa Axmed Gacayte Yuusuf, markii codkii laga duubay ardaydii ee ay weriyaashi ku laabteen goobtoodii shaqada ayaa la dhagaystay dhammaan cajiladdihii la duubay maalintii xigtayna waxaa maalmulkii iskuulka loo sheegay inuu Axmed noqday qofka ay xulatay idaacadda Radio Hargeysa lana rabo in idaacadda la geeyo oo laga qabto hees.
Billaawgii 1965 ayuu Axmed Gacayte heestiisii ugu horaysay ka qaaday idaacadda,heestaas oo magaceedu ahaa “Ahlan wa sahlan Daahir” si wada jir ahna waxaa u la qaadayay Shamso-Diiddan iyo Marwo Maxammed. Heestaasi caan ayay isla markiiba noqotay oo magaalada ayay ku faaftay waxa ay gaadhay Maxammed-Gacayte oo ahaa fannaanka aabbihii, bulshada oo markaas fanku ku cusbaa fahan wacanna aan ka haysan ayaa kaliftay in Axmed aabbihii ku dayriyo fanka uu galay iyo idaacadda u ka heesay.
Fannaan Axmed Gacayte taas walaw ay saamayn ku yeelatay haddana ma aysan noqon dabar uu kaga joogsado hibadiisii fanneed, bilo ka gadaalba waxa uu dhex galay xertii fanka iyo suugaanta ee Hargeysa ku sugnayd hibo isma qarisee waxaa bilawgiiba cirka isu shareertay awooddii ku dhex abuurnayd aadna way ula cajabeen abwaannadii iyo fannaaniintii Raadiyoow Hargeysa.
Waayadaa dhallinyaro badan ayaa kusoo jabay fankii Soomaalida ee dawladnimada ka hor dadka loo bahalo galiyay oo dhiig cusub ayaa galay waxaana ku yimid sara-u-kac aad u weyn waana kolkii ay soo baxeen ragga laxameeyay heesaha badankooda, Axmed Gacayte Yuusuf waxa uu ka mid noqday shidaalkaa fanka kusoo biiray ee la yimid laxannada ashqaraarka ah, waxa uuna noqday laxamiiste aad looga ixtiraamo goloyaasha ay fadhiyaan jilimculustii fanka iyo suugaantu, Riwaayado badan ayuu Axmed lahaa laxankooda waxaana la sheega Gacayte inuu ahaa dadka aysan dhibin laxan samayntu oo ay aad ugu fududayd inuu ereyo qallalan oo qoran durba u beddalo hees dareen leh oo aad loo dhadhansado.
Riwaayadihii uu laxankooda lahaa waxaa ka mid ahaa riwaayadda “Rooble ma runbaa” waxaa wada sameeyay Axmed Saleebaan Bidde iyo Cabdi Aadan Xaad (Cabdi-qays), “Ninba timo xamar” iyadana ay wada sameeyeen Meecaad Miiggane iyo Boon Xirsi “Jeel iyo jacayl” oo Axmed Saleebaan Bidde lahaa iyo Riwaayaddii “Xoriyo” ee uu curinteeda lahaa Maxammuud Cabdillaah Ciise (Singub).
Axmed Maxammed-Gacyte Yuusuf isaga oo ka mid ah laxanyaqaanka heerka sare ka jooga fanka Soomaalida haddana kuma koobnayn inuu cod sameeyo ee dhanka kalena waa hoobal taabbagalay oo codkiisa dheg maqashaa aysan ka xiiso beelayn.
Axmed Gacayte, heeso badan oo aad loo jecelyahay ayuu ku xareediyay, qormadaan aadka u yarna ma aha mid aynu kaga geyoon karno laxan’aqoontiisii jaadgooniga ahayd iyo hoobalnimadiisii. Axmed Gacayte noloshiisa intii danbe waxa uu ku sugnaa magaaladii uu ku dhashay ee Hargeyaa iyada ayaana lagu dilay sannadkii 1988-kii, halkaas waxaa ku damay tiriig weyn oo si weyn uga dhex iftiimayey fankeenna. Hiboole aad u laxan macaan oo heesaa heerkiisu sarreeyo ah, mullaxan Axmed Gacayte, Eebbe ha u naxariisto sidii uu inoogu hagar baxay ee fanka inoogu qurxiyayna Alle hoygiisa ha ugu qurxiyo aakhirana haka yeelo kuwa jannada meel sare ka taga ee hadhac qabow jiifsada, qoraalka intiisa danbe waxaan idinkula wadaagayaa qayb ka mid ah waxqabadkii uu ka tagay iyo heesihii uu laxanka u sameeyay kuwaas oo kala ah kuwo uu isagu qaado iyo qaar ay fannaaniintii waaweyneed ee dalku qaadeen.
1.Heesta “Diiggaa habeenkii”
Ereyada: Maxammed C. Huryo
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Luuqda: Maxammed A. Kuluc
2.Heesta “Haku daalin jeedaal”
Ereyada: Cabdi Qays
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Luuqda: Maxammed A. Kuluc
3.Heesta “Ninka booli cunay”
Ereyada: Xasan Ganey
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Luuqda: Marwo Cabdi
4.Heesta “Ii wad sheekada”
Ereyada: Meecaad Miigane
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Talantaali: Maxammed A. Kuluc iyo Aamina Cabdillaahi
5.Heesta “Anaa jamashadaa qaba”
Ereyada: Axmed S. Bidde
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Talantaali: Axmed Mooge iyo Sahra Axmed
6.Heesta “Nabsigiyo ayaankow”
Ereyada: Axmed S. Bidde
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Luuqda: Sahra Axmed Jaamac
7.Heesta “Laba sooryo wada cunay”
Ereyada: Masmas
Laxanka: Axmed Gacayte Yusuuf
Luuqda: Sahra Axmed Jaamac
8.Heesta “Naf ku jecel adduunyada”
Laxanka : Axmed Gacayte Yuusuf
Luuqda: Sahra Axmed Jaamac
Erayada: Axmed S Bidde.
9.Heesta “Dad haddaad is qabataan”
Ereyada: Axmed S. Bidde
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Luuqda: Axmed Mooge Liibaan
10.Heesta “Aan damaq jacayl”
Ereyada: Axmed S. Bidde
Laxanka:Axmed Gacayte Yuusuf
Luuqda: Axmed Mooge Liibaan
11.Heeta “Ma naxoo jacaylkuye”
Ereya: Axmed S. Bidde
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Luuqda Sahra Axmed Jaamac
12.Heesta “Gugii hore waan gunuunacayoo”
Ereyada: Cismaan A. Askari
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Talantaali: Tiriig xashi iyo Gacayte
13.Heesta “Ha ka dhicin sallaammada”
Ereyada: Axmed S. Bidde
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Luuqda: Kinsi Xaaji Aadan
14.Heesta “Badda caashaq een gudhin”
Ereyada: Maxammed C. Huryo
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Luuqda: Sahra Axmed Jaamac
15.Heesta “Weligaaba baydhbaydh”
Ereyada: Axmed S. Bidde
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Luuqda: Hibo-Nuura Maxamed
16.Heesta “Hargeysaay ha dheelliyin”
Ereyada: Cabdi-Qays
Laxanka : Axmed Gacayte Yuusuf
Luuqda: Sahra Axmed Jaamac
17.Heesta “Xareedda laguma wacnaadoo”
Ereyada: Axmed S. Bidde
Laxanka: Axmed Gacayte
Luuqda: Kinsi Xaaji Aadan
18.Heesta “Jooflaha Libaaxiyo”
Ereyada: Axmed S. Bidde
Laanka:Axmed Gacayte Yuusuf
Luuqda: Maxamed Mooge Liibaan
19.Heesta “Isha sacabka mari”
Ereyada: Cabdiqaadir X. Yamyam
Laxanka; Axmed Gacayte
Luuqda: Khadra Daahir Cige
20.Heesta “Fallaago” ama “Ma fiirsade”
Ereyada: Baashe Waraabe-cadde
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Luuqda: Sahra Axmed Jaamac
21.Heesta “Boosta” Ama “Haddaad ruux is barateen”
Ereyada: Maxammed C. Huryo
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Luuqda: Saynab Cige Maxamed
22.Heesta “Si yar maw shushubiseen”
Ereyada: Axmed S. Bidde
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Luuqda: Aamina Cabdilaahi Xirsi
23.Heesta “Deeqaha ilaahay”
Ereyada: Cismaan A. Askari
Tiriigxashi iyo Gacayte ereyada C.askari.
24.Heesta “Jaallahaa walaal”
Ereyada: Maxammed A. Dacar
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Talantaali: Axmed Mooge iyo Sahra Siyaad
25.Heesta “Daruuraha hillaaciyo”
Ereyada: Axmed S. Bidde
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Luuqda: Sacaadda Allaale
26.Heesta “Waatan lay danqaabee”
Ereyada: Axmed S. Bidde
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Luuqda: Sacaadda Allaale
27.Heesta “Kuu sheekeeye kaa sheekeeye”
Ereyada: Boon Xirsi Cadib
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Talantaali: Maxammed A. Kuluc iyo Aamina Cabdillaahi
28.Heesta Duni wada halawsan"
Ereyada: Cabdi Qays
Laxanka: Axmed Gacyte Yuusuf
Talantaali: Aamina Cabdillaahi iyo Gacayte
29.Heesta “Ma ragaadin taladee”
Ereyada: Maxammed A. Dacar
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Luuqda: Sahra Axmed Jaamac
30.Heesta “Sixir jacayl”
Ereyada: Maxammed C. Huryo
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Talantaali: Faadumo C. Maandeeq iyo Gacayte
31.Heeata “Nafta ruux ku daabacan”
Ereyada: Axmed S. Bidde
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Luuqda: Guduudo Carwo
32.Heesta “Taladaan la ruugin”
Ereyada: Xuseen Aw Faarax Dubbed
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Talantaali: Tubeec iyo Maryan Mursal
33.Heesta “Jacayl waa hanqaaree”
Ereyada: Axmed S. Bidde
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Talantaali: Aadan Hurre iyo Sahra Axmed
34.Heesta “Maalmaha illaahay”
Ereyada: Cismaan A. Askari
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Talantaali: Busi iyo Haldhaa
35.Heesta “Ahlan washlan daahir”
Ereyada: Xuseen Aw faarax Dubbed
Laxanka: Axmed Gacayte
Talantaali: Diidan, Gacayte iyo Gaasira
36.Heesta “Gocomaha ha ii jarin”
Ereyada: Cismaan Cumar Canbuur
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Talantaali: Sahra-Yar iyo Gacaye
37.Heesta “Miyaan xalayto jiifsaday”
Ereyada: Cabdi Qays
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Talantaali: Aamina Cabdillaahi iyo C-Diiriye Sooraan
38.Heesta “Umaleey jacayl”
Ereyada: Cabdi Qays
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Luuqda: Axmed Gacayte Yuusuf
39.Heesta “Isoo leged jacaylkii”
Ereyada: Axmed S. Bidde
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Luuqda: Axmed Gacayte Yuusuf
40.Heesta “Male’male adduunyadu”
Ereyada: Axmed S. Bidde
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Luuqda: Axmed Gacayte Yuusuf
41.Heesta “Sida laba cadaawe ah”
Ereyada: Cabdi Qays
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Luuqda: Axmed Gacayte Yuusuf
42.Heesta “Meel mayay heloo”
Ereyada: Axmed S. Bidde
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Luuqda: Axmex Gacayte Yuusuf
43.Heesta “Dulmiga caashaqa ka daa”
Ereyada: Maxammuud C. Tuunyo
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Luuqda: Axmed Gacayte Yuusuf
44.Heesta “Cirka maalinweyntiyo”
Ereyada: Axmed S. Bidde
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Luuqda: Axmed Gacayte Yuusuf
45.Heesta “Orod orod hay iman”
Ereyada: Axmed S. Bidde
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Luuqda: Axmed Gacayte Yuusuf
46.Heesta “Dhagarqabe abeesiyo”
Ereyada: Jaamac Cabdi Seed
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Luuqda: Axmed Gacayte Yuusuf
47.Heesta “Yoondheere daad maray”
Ereyada: Cismaan Cumar Xirsi
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Luuqda: Axmed Gacayte Yuusuf
48.Heesta “Qaad hilinka”
Ereyada: Cabdi Qays
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Luuqda: Axmed Gacayte Yuusuf
49.Heesta “Badnidaa habeenyahow”
Ereyada: Cabdi Iidaam Faarax
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Luuqda: Axmed Gacayte Yuusuf
50.Heesta “Inaan wali ku jecelahay”
Ereyada: Axmed S. Bidde
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Luuqda: Axmed Gacayte Yuusuf
51.Heesta “Adaan kuu duceeyaa”
Ereyada: Maxammed C. Huryo
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Luuqda: Axmed Gacayte Yuusuf
W/Q:- Kablallax Dhagacadde