



Business Entrepreneur Ogsade was at one stage the largest exporter of Coffee from Africa as well as the richest man in Ethiopia.
Xoogsade was one of the richest men in Ethiopia. He’s an Ethiopian and Somalilander as well, he was born and raised in Gebilay Somaliland.
This is a Harar driving license issued by the Harar-Italian administration in 1935.
TAAJIR NOOLAA BADHTAMAHA QARNIGII 20AAD
Taajir iyo ganacsade lagu magacaabo Ali Ibrahim Nur, ayaa waxa beerahiisa suufka loo iibgayn jiray suuqyada waaweyn ee gobolada Missouri iyo North Carolina oo ah laba gobol oo ku yaala Maraykanka
Ninkani waa Xaaji Maxamed Cabdillaahi Kaahin (Xoogsade), aasaasihii shirkaddii ugu weynayd ee dhoofinta bunka ee dalka Itoobiya. Sannadkii 1942, isaga iyo walaaladii waxay bilaabeen shirkad lagu magacaabo M.A.O., oo loo soo gaabiyey Mohamed Abdullahi Ogsade. Isla sannadkaas, isagoo 22 jir ah, ayuu ka keenay dalka Talyaaniga gaar ahaan magaalada Turin oo ay ku taal wershedda FIAT raxantii ugu horreysay ee baabuurta xamuulka ee FIAT. Baabuurtaas waxaa loo yiqiin “Taranta Kuwaataraha,” waxayna ka mid ahaayeen kuwii ugu horreeyay ee shirkadda FIAT samayso.
Shirkaddiisa M.A.O Import/Export Co., oo astaanteedu ahayd faras, waxay xidhiidh ganacsi oo joogto ah la lahayd shirkadda FIAT. Sannadkii 1999kii, markii FIAT u dabbaal-degaysay boqol-guuradeedii, Xaaji Maxamed Cabdillaahi Kaahin waxa uu ka mid ahaa marti-sharaftii lagu casuumay. Waxaana lagu maamuusay abaalmarinno, isaga oo loo aqoonsaday macmiilkii ugu da’da weynaa ee Itoobiya. 1980-meeyadii, Xoogsade waxa uu ahaa maalgabeenka ugu hantida badan dalka Itoobiya.
Sanadkii 1974kii waxaa xukunka Itoobiya la wareegay kacaankii Dhergiga ee ku salaysnaa shuuciga. 1975kii, waxa la bilaabay qaramaynta ganacsiyada waaweyn, waxaana lala wareegay shirkaddii bunka ee uu lahaa Xoogsade. Intaas waxa dheer, waxa uu la kulmay cadaadis kadib dagaalkii 1977kii. Arrimahaas oo dhan waxay ugu dambayn sababeen burburka ganacsigiisii.
Maxamed Xoogsade waa abtiga ruma ee labada Professor ee Ilma Samatar, waxaana dhashay walaashii. Wuxuu ka soo jeeday beesha Sacad Muuse, Jibriil Abokor, Reer Dalal. Ugu dambayn, waxaa lagu aasay magaalada Dirdhaba sannadkii 2006 AHN.