Suuqa Sicirka food market

Hargeisa Markets
Sicir Bararka Maceeshada iyo Mooganaanta xukumada Somaliland…

Mid ka midda dadka bakhaaradda Hargeisa ku haysta ayaa siddan yidhi.

“Shay walba oo aanu iibino sare ayey u kaceen, iska daa wax dibedda inooga yimaadda’e ee xittaa waxaa sare u kacay qiimaha waxyaabaha dalkeena laga soo saaro.”

Ayuu yidhi mid ka mid ah Dadka Bakhaarrada ku haysta Hargeysa, waxaanu intaa ju daray “Waxyaabaha sare u kacay muddooyinkii ugu dambeeyey waxaa ka mid ah Bariiska, oo gadbadda waxaanu siin jirnay 24 dollar, haddana waxaanu siinaynaa 30 dollar, daqiiqda oo aanu siin jirnay 21 dollar,

hadda waxaanu siinaynaa 24 ilaa 25 dollar, Sonkorta oo aanu siin jirnay 23 dollar, hadda waxay maraysaa 26, 27 illaa 28 dollar, Saliidaha noocyadeeda kala duwan iyana waxaa ku kordhay qiime, oo tusaale ahaan saliidaha qaarkood oo jirikaankii joogay 18 dollar, hadda waxaa la siinayaa 28 dollar oo 10 dollar ayaa ku kordhay, Baastada iyana qiimaheedii wax baa ku kordhay, oo kartoonkii 6 dollar ahaa hadda wuxuu marayaa 8 dollar…”

Dawladdu waa inay waxkaqabtaa sababaha keenay inay maceeshadu kacdo, lana xisaabtanta ganacsatadda. aan bulshadda danyarta u tudhin ee dollar eryanaysa, ka darranta dollar, miidhanbaa wax laggu iibinayaa ee shillinkii Somaliland, qaayimad qudha oo ku fadhidaa ma jirto.


No photo description available.

Mogadisho Market.

Sicir Barar ayaa ka jira Suuqyada Muqdisho waxaana sare u kacay Raashinka Qeybihiisa Kala duwan.

Hadaba Halkaan ka akhriso isbadalka iyo Qiima Kororka ku yimid Raashinka.

Bur 50kg Q.hore $21 Q.hada $27.5

Sokor 50kg Q.hore $23.6 Q.hada $30

B.xamse 50kg Q.hore $39 Q.hada $41.5

Pasto fiino 10kg Q.hore $6.4 Q.hada $8

P.macaroni 10kg Q.hore $7 Q.hada $9

Saliid 5le 1caag Q.hore $5 Q.hada $9.5

Saliid 3le 1caag Q.hore $3 Q.hada $5.5

Saliid 20le 1caag Q.hore $ 18 Q.hada $35.









It looks like Hargeisa stable food prices are more competitive than in Mogadishu.

True. The Suez canal blockage could still be flushing trough the system and people are feeling the after effects now as we are a completely reliant on imports for everything, including the grains for making daqiiq sadly. Prices of everything has gone up, fuel, wood, and all other commodities. The SL government needs to make things like this clear to the masses, otherwise people assume its unscrupulous merchants raising prices or colluding (which there probably is in any market).

The locust infestation has has also been devastating on the agricultural sector on par with any natural disaster. Still the agricultural ministry’s performance leaves a lot to be desired, they talk a big game though.

We need many reservoirs to capture rain water that just runs off into the ocean and many more wells to support farms. We need sand dams and so on.

We ain’t seen nothing yet.

The Shampoo factory in Bosaso and the Coca Cola factory in Hargeisa have had their raw material prices rise and their energy prices rice and their their transport prices rise due to higher fuel prices and container costs! Its a chain reaction.

I do like this kind of reporting as oppose to the constant dhagax dhig stuff but the reporter has to at least put across something other than the price fixing angle.

If they had dedicated reports on the prices of goods across the peninsula would be very beneficial.

1 Like

1 Like

1 Like

In the Horn of Africa, where 20 million people are already facing severe hunger due to prolonged drought, communities in Somaliland are now spending more than double (163%) as much on a loaf of bread. Average prices for cooking oil have increased by over 60%, but in some areas of Somaliland costs are up by as much as 260%.

Cooking oil up by an average of 64% (rising by up to 260% in the villages of Googeysa and Xidhinta in Somaliland)
Bread up by an average of 48% (rising by up to 163% in villages of Ceel-Giniseed and Teysa, Somaliland)

“We don’t produce anything in Somaliland. Whatever food we consume here is made outside, such as rice, pasta or oil. :weary:

A disaster. What is wrong with Fish from our seas and Garaw/sorghum?

What little fishermen there are complain there is no market for their fish! Then along comes the usual suspects (oligarchs) who will build a tuna processing plant probably mainly focused on the export market and just in time for when the Berbera Corridor and Airport are ready. The government does not have the capacity nor the will to take shares in these industries let alone tax them.

The Gov’t could do a lot in addressing food insecurity. Just 1 million dollars would get you at least 3 big boats. An additional 50-100 thousand would get you a commercial kitchen to cook and prepare the fish for R2E Food rations like the army rations.

These food could then be given to the most needy and public schools so they can address nutritional needs of kids and mothers.

1 Like

Maydh jetty is expected to improve interconnectivity by sea between Berbera and Sanaag and parts of Togdheer regions, hence spurring economic growth potentially benefiting about 750,000 people. Ultimately, once completed, Maydh jetty will enhance food security, employment, and livelihoods of the people in these regions through a swift supply of fish and other commercial goods.

So now the government has built the Maydh Jetty. What next? Where are the cold storage facilities that are a requisite of any fish related industry. The road to take it to market.

It all sounds nice writing that it will benefit 750,000 people!

1 Like

Maxay tahay dhibaatada ku saabsan doollarka ee caalamka ka taagan balse aan Soomaaliya ka jirin?

Suuqa sarrifka

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Saacad ka hor

Doollarka Mareykanka ayaa yeeshay awooddiisii ugu weyneyd muddo labaatan sano ah gudaheed, marka lala barbar-dhigo lacagaha kale ee waaweyn.

Taasi micnaheedu waa in hadda uu doollarku qaali yahay marka la iibsanayo, arrintanina waxa ay saameyneysaa ganacsiyada iyo qoysaska caalamka oo dhan.

Xaggee ayay gaartay awoodda doollarka?

Qiimaha doollarka oo si joogto ah tartan kula jira ilaa lix lacag oo kale, oo ay ku jiraan euro-ga Midowga Yurub, giniga Istarliinka iyo yen-ka Japan, ayaa sanadkan 2022 sare-u-kacay 15%.

Lacagaha kale ee horay uga sarreeyay, sida giniga ayaa hoos u soo dhacay, halka uu doollarku kor u sii fananayo qiimaha sarrifka.

Sidaas awgeed, waa markii ugu horreysay muddo 20 sano ah oo doollarka uu gaaro heerkaas sarreeya.

Doollarka iyo Soomaaliya

Isbeddelka doollarka lagama dareemin Soomaaliya, maaddaama lacagta ugu weyn ee uu waddanku ku tiirsan yahay ama isticmaalo ay tahay doollarka (oo telefoonnada la isugu diro), sida ay soo tebiyeen weriyeyaasha ku sugan Muqdisho.

Sidoo kale sarrifka doollarka iyo shilin Soomaaliga ayaa meeshiisii hore taagan. Halka doollar wuxuu sarrif ahaan u dhigmaa 24,000 oo shilin Soomaali ah. Qiimahaas waxba iskama beddelin dhowrkii sano ee la soo dhaafay.

Lacagta keliya ee Soomaaliya laga istimcaalo waa kunka shilin. Waa lacag duugowday oo dhowaanahan aan si sharci ah loo cusbooneysiin.

Waxaa lagu soo warramay in meelo gobollada Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug ah aan gebi ahaanba laga isticmaalin shilin Soomaaliga.

Xawaalad

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Doollarka Soomaaliya lagu isticmaalo wuxuu u badan yahay lacagta ay dadka dibadda jira u soo diraan eheladooda.

Saameynta sare-u-kaca maciishadda ayaa jirtay tan iyo markii uu dillaacay cudurka safmarka ah ee Covid-19 iyo dagaalka Ukraine oo waxyeello u geystay hab-sami-u-socodka sicirka caalamka.

Xawaaladaha lacagaha lagu diro ayaa kaalin aad u weyn ku leh dhaqaalaha soo galaya Soomaaliya.

Warbixintii ugu dambeysay ee uu arrintan kasoo saaray Bankiga Adduunka, oo soo baxday 2017-kii ayaa lagu sheegay in lacagaha lagu soo diro xawaaladaha ay yihiin 20% ka mid ah dhaqaalaha guud ee sanad kasta u soo xarooda Soomaaliya.

Warbixinta ayaa xilligaas qiyaastay in Soomaalida qurbajoogta ah ay dalka u soo diraan lacag dhan celcelis ahaan 1.3 bilyan oo doollar sanadkiiba.

Sidoo kalena xawaaladuhu waxa ay gacan weyn ka geystaan in keydka doollarka Soomaaliya uusan hoos u dhicin.

Warbixinta Bankiga Adduunka ayaa dhanka kale lagu xusay in lacagaha dibadda laga soo diro ay ka xasilan yihiin dhaqaalaha kale ee ku yimaada maalgelinta dibadda.

Sare-u-kaca doollarka sicir-barar maku sababayaa Soomaaliya?

Meelo badan oo dalalka caalamka ah ayuu saameeyay sare-u-kaca doollarka oo hoos u riday lacagihii kale ee waddamadaas laga isticmaalayay.

Dalalkaas, oo ay ku jiraan Kenya iyo Turkiga, waxaa isugu darsamay qiime-dhaca lacagta iyo sicir-bararka adeegyada kale, oo ay ku jiraan raashinka iyo shidaalka.

Haddaba maxaa sabab u ah in Soomaaliya uusan dhibkaas ka jirin?

Shax

XIGASHADA SAWIRKA,BLOOMBERG

Dr. Maxamed Ibraahim Nuur, oo ah Cilmi-baare sare oo la shaqeeya Jaamacadda SIMAD, ayaa BBC-da u sheegay in saameynta isbeddelka doollarka aysan si toos ah u taabaneyn Soomaaliya.

“Maaddaama doollarka uu yahay lacagta ugu muhiimsan ee Soomaaliya laga isticmaalo, keydkana ay taallo, dhammaan bankiyadeenna ama akoonnada noo furan ay doollar yihiin, annagu ma qabayno welwelka ay qabaan dadyowga kale ee adduunka.

“Balse, haddii uu imaado isbaddal dhanka badeecooyinka ah, sida hadda [tan uu sababay] dhacday dagaalka Ukraine oo ah inay qaaliyoobeen qamadiga, galleyda iyo saliidda, kuwaas dadka ayaan ula mid nahay, wax annaga goonni noo ah ma aha,” ayuu yiri.

Hase yeeshee sare-u-kaca doollarka waxa uu dhanka kale si xoog leh u saameynayaa Soomaalida qurbaha jirta ee lacagaha soo dira.

“Dadka Soomaaliyeed ee [dibadda deggan] ee lacagta noo soo diraya, kuwaasoo lacagaha ay mushaaraadkooda ku helaan aysan ahayn doollar, oo ay yihiin pound, ama euro ama wax kale, si ay lacagtaas u soo diraan way saameyneysaa, [saa’id] ayayna u saameyneysaa.

“Tusaale ahaan, qoflka UK jooga, oo raba inuu $500 soo diro, sanadkii hore wuxuu soo diri jiray £333 (pound), [taasoo marka uu bankiga geeyo u noqoneysay 500 oo doollar. Laakiin hadda waa inuu bankiga geeyo £463 si uu u soo diro $500. Taas waxay ka dhigan tahay inuu bixiyo lacag ka badan ku dhawaad 40% tii uu horay u bixin jiray.”

‘Saameynta oo weji kale leh ayaa ku noqon karta Soomaaliya’

Dr. Maxamed wuxuu xusay in arrintan ay saameynteeda oo weji kale leh dib ugu laaban karto Soomaalida joogta dalkii hooyo, gaar ahaan marka lacagta laga soo dirayo dalalka aan doollarka laga isticmaalin, sida UK.

EVC

“Haddii qofkii soo dirayay uu awoodi waayo inuu ku daro lacagta uu doollarka ku beddelayo, waxay noqoneysaa in uu ka jaro lacagtii uu diri jiray, oo uu dhaho ‘waxaan idiin soo dirayaa waxa ay u dhiganto lacagtii hore’, waxayna noqoneysaa inuu u sarrifo £333-dii,” ayuu yiri.

“Lacagtaas isdhintay waxay ka go’an tahay [qoyskii loo dirayay], dabcan dakhligii guud ee dalka u soo xaroonayayna way ka maqnaaneysaa, taasna saameyn ayay keeneysaa,” ayuu sii raaciyay.

Lacagta giniga ah oo loo yaqaanno “Pound” oo laga isticmaalo UK ayaa hoos u dhicii ugu weynaa la kulantay dhawaan, kaddib markii ay dowladda Ingiriiska shaacisay in ay sameyn doonto canshuur-dhimis aad u weyn.

Doollarka ayaa lagu qiimeeyaa inta badan badeecooyinka caalamka, sida shidaalka, sidaas awgeedna sare-u-kaca lacagta Mareykanka ayaa cirka ku shareertay qiimaha shidaalka ee dalal badan.

Tusaale ahaan, Kenya, oo lacagteeda shilinka ah uu aad uga xoog batay doollarka, ayuu qiimaha shidaalka ku kordhay 40% tan iyo billowgii sanadkan 2022.

Mowduucyada la xiriira

One positive news that will help Somali businesses, as they can now buy more for the same amount of USD.