1 Like
SOMPROPERTY OO HIRGELINAYSA ISBITAALKA GUUD EE BURCO
TALLAABO TAARIIKHI AH OO LOO QAADAY HORUMARINTA CAAFIMAADKA SOMALILAND
Waxa farxad iyo Sharaf weyn noo ah in Somproperty Construction & Real Estate ay ku guulaysatay fulinta mashruuca dhismaha Isbitaalka Guud ee Burco, Somaliland.
Mashruucani wuxuu qayb ka yahay hirgelinta ballanqaadkii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ee horumarinta adeegyada caafimaadka bulshada Burco iyo gobolka Togdheer.
Somproperty waxay ku faanaysaa inay himiladan qaran ku xaqiijinayso tayo sare, farsamo casri ah, masuuliyad iyo hufnaan.
1 Like
