Yuusuf Xaaji Aadan Raganimo Ayuu Ku Noolaa Oo Uu Ku Allaystay. W/Q:- Rashiid Sh. Cabdilaahi (Rashiid Gadgweyne)

Yuusuf Xaaji Aadan Raganimo Ayuu Ku Noolaa Oo Uu Ku Allaystay. W/Q:- Rashiid Sh. Cabdilaahi (Rashiid Gadgweyne)

Ragannimo waa maxay? Macanaha ereyga ragannimo, marka uu sidan u yaal ma tilmaamayo faraqa dheddigga iyo laboodka dadka. Waxaa uu tilmaamayaa qiimi sare oo rag iyo dumar ba la yeelan karo. Waxaa la yidhaahdaa Hebel waa nin rag ah iyo Heblaayo waa naag rag ah. Ragannimadu, sidaa darteed waa qofka oo kaalin adag si wacan uga soo dhaalala; gees kale na waa hanka iyo himilada wacan waa na qiyamta sare ee uu ku dhaqmayo isla markaa na difaacayo. Afka carabiga, malaha waxaa lagu odhan karaa qofkaasi waa badtal Ingriisiga na hero; af-soomaaliga na, haddii aynu erey kale u doon-doonno, malaha halyey baa ugu dhow-dhow.
Xaaji Yuusuf Xaaji Aadan Aw Cilmi, waxa aan leeyahay, waxa uu ahaa halyeygii cilmiga iyo aqoonta; fanka iyo suugaanta; waxaa kale oo uu ahaa halgamaagii xornnimoda Soomaalida dhammaanteed; waxaana uu lahaa oo ku dhaqmi jirey qiyamta dadnimada ee wacan, nin wax qaayo weyn ku hirta oo naftiisa u hura; ragannimo na waa ayada.Waxa aad odhan kartaa, adiga oo run sheegaya: intaas ba waa la la wadaagaa oo kelidii ma laha, hayeeshee, sida aan qabo, dadka asaga oo kale ah ee aan waxa ay qabanayaan ka wadannin damac iyo danaysi gaar ahaaneed, ku ma badna Soomaalida waagan.
Maqaalkan waxa aan kaga hadlayaa qodobbo ku saabsan shakhsiyaddii Yuusuf Xaaji Aadan oo aan ku aroorinayo barasho gaar ah muddo socotey.
Yuusuf Xaaji Aadan iyo sida aan ku Bartay.
Inta aad dunida ku nooshahay barasho joogto ah baad ku jirtaa; waxaad barato na dad baa u badan. Qof kasta oo aad is-barataan waxaa jirta duruuf, xaalad iyo sabab isu kiin keenta oo is-barashodiinu ka dhalato. Yuusuf Xaaji Aadan, Alle ha u naxariistee, waxaa i baray duruufo iyo sababo gaar ahaaneed.
Marka hore waxa uu magaciisu, ugu horraynba igaga yimid hoygii aan ku dhashay. Waxa ay hooyaday ahaayeen ilma-adeer ruma oo labadooda aabbe ayaa ahaa walaalo isku oday iyo habar ah. Aniga oo caruur ah ayey hooyo Alle naxariistiisa ha ka waraabiyee, i bartay qaraabadeeda dhow iyo fogba. Baridda hooyo waa wax gaar ah; taxane magacyo walaaloheed iyo ilma- adeerradeed dhow iyo dheer ba leh, ayey si dareen leh noo qaybsiin jirtay; mid walba na, marka aannu la kulanno si dhadhan gaar ah leh bay, rag iyo dumarba, noogu sheegi jirtey waxa uu noo yahay, abti, habar-yar, ina-abti, habar-wadaag iwm. Si aanan hadda sifeyn karaynin bay noogu tallaali jirtey waxa uu qof waliba noo yahay ama aannu isu nahay. Araggiisa Yuusuf Xaaji Aadan, markii iigu horraysay waxaan xusuustaa nin midab casaan ah (sida Soomaalidu u taqaan) oo surwaal iyo shaadh cad labbisan(dhar ka muuqaal duwan maryaha dadka Cadaadley xidhan yahiin) oo ay Hooyo i leedahay: waa abtigaa. Malaha waqtigaas da’daydu ilaa shan jir bay ahayd, wax intaas ka badan na markaas, kama aan haleeli Karin shakhsiyadda Yuusuf X Aadan. Waxaa uu iiga mid ahaa oo keli ah liiska abtiyayaasha tirade badan ee ay hooyaday i bartay.
Waxaa iigu xigtey Yuusuf oo sannaddkii 1957ii, habeen habeennada ka mid ah odayaasha magaaalada Cadaadley kala shiraya skoolkii ama dugsii u horreeyey oo la rabo in halkaas laga dhiso.Habeenkaas, barashada Yuusuf Xaaji Aadan, waxaa ii kordhay laba. Midda hore.waa markii u horreysey oo aan jooggiisa iyo wejigiisa ka indho-buuxsaday ka na bogtay. Midda kale na waa hadalladiisii uu halkaa ka jeedinayey. Waxa uu Yuusuf odayaasha hadlaayey baahida iskoolka, faa’iidadiisa iyo waxa laga rabo ayaga oo ah dadka Reer Cadaadley, si iskoolku u dhismo. Waxa i dareen-jiidtey ma ahayn mowduuca uu ka hadlaayey ee waa sida ama dariiqada uu u hadlaayey ee uu warkiisa iyo wacaashiisa ba u soo tebinaayey. Waxa uu ku hadlaayey cod miisaaman iyo ereyo aloosan oo aan mergasho lahayn, iyo hogatus aan surmaseegto lahayn, waxaa wax iiga baxeen astaan muhiim oo uu Yuusuf lahaa, taas oo ahayd hadal-aqoontiisii. Aad bay ii taabatay aftahannimadiisu; waxaad moodaysay in ereyadu carrabka caaradiisa ku taxan yahiin.
Kulankayagii xigey waxa uu ahaa Qaahira iyo bilowgii 1964kii. Aniga oo kuray ah baan waxbarasho u tagay Masartii Jamaal Cabdi-Naasir( waxaa waqtigaas la odhan jirey Jumhuuriyada Carabta ee Midowday).Waxaan ugu tegey halkaas Yuusuf X Aadan oo ah doblamaasi ka tirsan safaaradda Soomaaliya ee halkaas ku taal, ka na ah U- qaybsanaha Arrimaha Dhaqanka iyo Aqoonta(Cultural Attaché). Laga bilaabo waqtigaas wuxuu Qaahira na la sii joogey qiyaastii laba sannadood oo dhow-dhow.Muddodan ayaan Yuusuf si qoto leh u bartay.
Hawlaha uu safaaradda ka hayey oo badnaa, waxaa u mudnaa arrimaha ardayda. Waxaa qiyaastii waqtigaas dalka Masar joogay arday gaadhaysa ilaa saddex boqol oo arday, ku na wada jira dhammaan marxalada waxbarsho ee dugsiyada hoose ilaa jaamacadaha iyo macaahidda sare ; waxaa weliba weheliyey oo ka mid ahaa tiro aad u badan oo wax ka barata dugsiyada farsamooyinka kala duwan. Isla markaa waxay dawladda Masar waagaas ku la dhaqmi jirtey Soommaalida, in qof kasta oo waxbarasho u yimaadda deeq waxbarasho la siiyo, ayada oo aan lagu xidhin wax shuruud ah. Sidaas darteed waxaa jirey sunsun laxaad leh oo ah dad da’ walba leh oo waxbarasho u socda ka na imanaya gebi ahaan, dhulka Soomaalidu degto iyo gobollada Ethiopia ee ay degaan muslimiinta kale sida dadka Hereriyiinta iyo Oroomada muslinka ah.
Yuusuf Xaaji Aadan, Alle raxmaddiisa ballaadhan ha ka waraabiyo; culays la yaab leh baa dusha ka sarnaa. Tirada ardayda farahaas lehi, midkood kastaaba, asaga oo keli ah buu Safaaradda u imanayey, xafiiskiisa oo qudh ah ayaa u muuqday ka keliya ee si joogto ah u furan, kaas oo sida shinnada afaafkiisa iyo gudahiisa loo xoonsan yahay; xafiisyada kale oo uu ka Safiirku ku jiro, dhif baa la arkay albaabkooda oo furan; Safiirka iyo ku-xigeenkiisa oo ahaa Xasan Aadan wadadiid inta muuqooda la arkay mar ama laba jeer malaha kama badnayn; Yuusuf oo keliya baa lahaa xarakada nool ee runtii Safaaradda ka socodta. Waxa uu u dhexeeyey ardayga iyo maamulka deeqaha waxbarashoda ardayda ee dalalka debedda ka timaadda, iyo isla markaa wasaaradaha Waxbarashada, Tacliinta Sare, Awqaafta, maamulka Al- Azhar, jaamacadaha kale iyo dugsi kasta oo uu arday Soommaaliyeed dhigto. Ardaygu marka u horraysa ee uu dalka Masar soo galo, Yuusuf baa u qora warqado dhalasho iyo asluubeed iyo warqad uu ugu dalbayo deeq waxbarasho oo uu u diro Wasaaradaha iyo Hayadaha ku habboon; asaga ayaa ka dibna arday kasta arrimahiisa daba gala oo joogto uga war-doona; xataa ilaa dugsiyada, jaamacadaha iyo macaahidda ardaydu ku kala jirto iyo guryaha ardaydu u hoyato xidhiidh hawleed buu la leeyahay.
Habka maamulka dawladda Masar waxa uu ahaa waqtigaas mid aad iyo aad u gacan-culus; wuxuu ku dhisnaa qaab-biiroqraadiydeed fadhiid ahoo aan hore waxba uga dhammaannin. Haddii ay wax kasta oo kale ba ka soo dhammaadaan oo uu ardaygu helo meel waxbarasho iyo hooy ba, waxa aan dhaqso u iman jirin deeqdii lacageed ee uu ku noolaan lahaa. Sidaas darteed, Yuusuf Xaaji Aadan waxaa hawlahiisa caadiga ah dheeraad ku ahaa oo dhibaatooyin badan na ku keeni jirey tirada ardayda cabanaysa ee maalin walba xafiiskiisa ku soo qolqolaysa. Meeshu waa Safaarad dal shisheeye ka furan, xidhiidhka ay dawladda dalka ku la shaqaysaa na wuxuu leeyahay oo xukuma xeerka hab-maamuuska dawliga ah; taas owgeed na Yuusuf heer walba shaqaalaha iyo hawl-wadeennada maamulka dawladda, u ma tegi karo oo la ma hadli karo; ardaygu se wuxuu rabaa in uu Yuusuf xalliyo mushkilad kasta oo uu biroqraaddiyad Masar kala kulmo, dantiisa na, wax kasta oo tahay, uga soo dhammeeyo. kuwa markooda hore ba wax qaldan doonayaa na ma tiro yara.
Xaaladda sidaas ahi waxay i tustay sifaalaha dulqaadka iyo deggenaansha aanan xil-haye kale oo Soomaali ah ku arag ee uu Yuusuf lahaa. Wax kasta oo gef iyo gar-darro lagu la kaco, ma arag, la ii ma na sheegin ayada oo wejigiisa cadho ka muuqato, fal-celin ka weyn na hadalkeed ba daa. Qofka Soomaaliga ah, badi ba haddii aan dan- tiisa dhaqsoba loogu qumminnin, runta si sahal ah kuma qaato oo waxaa ka qariya shaki iyo is-moodsiiska, in wax laga xumaynayo, ama la duudsiyayo ama ba laga eexanayo iyo wax la mid ah; waxay na taasi keentaa in qofku cadho-hadlo. Ka dib na waa la isla qastaa oo qadaf iyo wax aan loo fadhiyin baa dhinac walba ka soo yeedha; sidaas ayaa lagu ilaawaa waxii dani ahayd. Yuusuf Xaaji Aadan, Alle ha u naxariistee, waxaa wax kasta ba kala weynaa xilka ka saran waxbarashada ardayga, sidaas darteed, meel-ka-dhac kasta oo ku yimaadda, ma danayn jirin; ma na aan arag asaga oo arday ku gefay ka cadhaysan ama la tirsanaya.
Shaqada waxa uu ka baxi jirey saacaddu marka ay gaadho saddexda galabnimo. Waxaa markan, gurigiisa gudihiisa ka aloosmi jirey xaalad kale oo tii hore ba ka cajeb badan, taas oo keentey in aan Yuusuf ka barto dhinacyo hor leh oo shakhsiyaddiisa ka mid ah. Miiska cuntada ee waqtiga hadhimada ama, aan idhaahdo qadada, ayey xigsintani ka bilaabi jirtey. Waxaa isugu iman jirey halkaas oo maalin kastaba guriga Yuusuf kala qadayn jirey tiro badan oo ka mid ah ardayda iyo dad kale ba. Qadada ka dib, ilaa casar-gaabka ayaannu qolka fadhiga ka bulshayn jirney. Runtii waxaan ku tilmaami karaa madal aqooneed iyo cilmiyeed uu Yuusuf Xaaji Aadan xudu-dhexaad u yahay. Si aan ku-sii-talogal hore lahayn bay dooddu u bilaabmi jirtey; marka se uu Yuusuf soo galo ayey sheekadu majare cilmuyeed qaadan jirtey. Waxa uu si qoto leh uga hadli jiry mowduucyo ay ka mid yahiin taariikhda Islaamka, taariikhda, taariikhda Soomaalida iyo hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed; waxaa ayaga in badan uu ka faalloon jirey suugaanta Carbeed, gaar ahaan, teedii soo-yaalka ahayd, iyo suugaanta iyo fanka Soomaaliyeed.
Waxaa qol-fadhiga guriga yaallay rikoodh weyn oo ahaa kuwii waagaa la isticmaali jirey ee lahaa cajaladaha shariidka dusha lagaga duubo. Cajalado badan oo noocaas ah baa guriga yaallay, waxaa na ku duubnaa maansooyin u badnaa kuwii soo-jireenka Soomaaliyeed iyo heesahii xilligaas. Dhegeysiga maasooyinkaas iyo heesahaas ayaa marar badan noqon jirey meesha ay dooduhu ka bilaabmaan, sida gabayo ama heeso iyo muusiq la dhegeysto oo suáalo la iska weydiiyo ama fikrado, taariikho, eryo iyo odhaahyo sugaaneed oo lagu murmo oo kale. Waxa uu buuqu dami jirey marka uu Yuusuf Xaaji Aadan hadalka qaato. Waxaa aad ii soo jiidtey aqoonta ballaadhan ee u lahaa, gaar ahaan luqada carabiga iyo fahamka qotoda dheer ee uu ku lafo-guri jirey suugaanta carabta iyo ta soomaalida labada ba. Waxaa kale oo aan xusuutsaa kartida uu lahaa soo-debed-bixinta iyo muujinta sirta quruxda fanka gaaar ahaan ta ereyga suugaaneed. In kasta oo maaddada la yidhaahdo suugaanta aan ku dhigan jirey dugsigaygii sare(secondary school), hadda na macaankeeda kama baran macallimiintaydii dugsiga ee waxaan ka bartay oo i dhadhansiiyey Yuusuf Xaaji Aadan.
Ka dib Qaahira si teel-teel ah ayaannu u kulmaynay, waxaanu se sannadahii toddobaatannadii iyo siddeetannadii dhawr jeer ku kulannay madal iyo maxfallo ka la duwan; isla markaa na badweynta nolosha bulsheed ayey wararkiisa iyo sheekooyinkiisu igu la kulmayeen; aakhirkii na waxaa ii soo ururay shakhsiyaddii yuusuf Xaaji Aadan oo in badan dhammaystiran.
Marka aan hadda soo koobo, waxaan odhan karaa Yuusuf waxa uu lahaa raggnnimo aan dad badani lahayn. Raggannimadiisu, ama dheh halyeynnimadiisu waxay ku jirtaa ka na muuqataa hankii iyo hirashadii uu lahaa, sidii uu ugu hawl-galay intii uu halgan u galay iyo kaalintii uu buuxiyey; qiyamtii iyo dad-la-dhaqankii uu lahaa iyo daw-raacii uu naftiisu ku laasimyey ee uu kaga go’aan-qaatay intii dibindaabyo kaga timid qayrkii.
Asaga oo ah hawl-wadeen ka ah maamulkii dawladdii Ingriis ee dalka xukumaysay oo aan u oggolayn in uu siyaasad galo, ayuu geesinnimo ugu badheedhey in uu halgan kulul u galo abaabulka dhaqdhaqaaq xornnimodoon ah oo ka hor-jeeda gumeysigii shisheeye ee Soomaalida haystey. Waxa uu horseedey oo uu hal-abuurnimadiisa u adeejiyey wacyi ku dhisan in dhaadashada noqoto magaca Soomaaliyeed oo keli ah. Waxaynu odhan karnaa waa ninkii u horreeyey ee hankiisa iyo hirashadiisa ka xoreeya qoqobahii ab-tirsiga qabiilo, ku na hammiya kor-u-qaadidda dhaadashadiisa ee sidaas darteed naftiisa barbar-dhiga dadyowga dunida ee magacooda ummadnimo ku dhaata.
Mar kasta oo aan dib u xusuusto Yuusuf Xaaji Aadan waxaa i hor-yimaadda tilmaamahiisii qofnnimo iyo sida uu dadka waqtiga uu noolaa badiba uga duwanaa. Tusaale ahaan, dadka uu la noolaa, waxaa ku badan danaysiga qof ahaaneed. Yuusuf waxa uu ahaa nin aan waxa uu qabanayo ku doonaynnin magac, mansab iyo maal toona, waayo intaba waxa kaga weynaa qaddiyadda uu u halgamayey. Yuusuf Xaaji Aadan, in badan oo aan goob-joog ahaa asaga oo meel madal ah ka hadlaya oo ka warramaya taariikhahii halgamadii waxbarashada, ama xornnimadoonka ama fanka iyo suugaanta Soomaalida, marna kama maqal wax naftiisa ammaan gaar ah u noqon kara oo uu gooni u sheeganayo; mar walba se waxaan ku arkay oo aad ii cajeb-geliyey sida weyn ee uu ugu talax-tegayo ammaanta ragga kale ee ay halganka ku wada jireen iyo kuwii taageerayey dhammaantood. In uu sidaa yeelo waxaa ugu wacnaa, waxa uu ahaa nin qaddiyadda uu u halgamayaa ay ka dhab tahay oo aan wax kale ugu lifaaqnayn ama dano u gaar ah ka wadannin.
Tu kale oo ragannimada Yuusuf Xaaji Aadan ka marag-kacaysaa waa dushii uu u lahaa dibindaabyo iyo dhibaato kasta oo loo geysto. Yuusuf, Alle ha u naxariistee, wax badan baa nabarro gar-darro ku dhaceen, been-abuur iyo ceeb-mar-maris iyo dulmi wax badan baa lagu la kacay; weliba inta badani waxay kaga timid meelo aanu ka fileynin. Ha-yeeshee waxa uu Yuusuf kaga guulaystay dulqaad iyo fiiro-dheeri. Waayo waxa uu naftiisa uu diidey in uu sidooda yeelo ama la qasto. Ku darso oo wuu karayey in uu awooddiisa hal-abuurnimo ee Alle ku mannaystay kula dagaallamo, uu na ku dhejiyo haaro-ceebeed aan weligood ka go’in; lagu ma na qoonsadeen oo waa marin suugaanta Soomaaliyeed hore loogu jideeyey; waxaa se Yuusuf doortay sida kale, waa na uu kaga guulaystay.
Maragga guushaasi waa sharaftii iyo xurmadii la huwiyey maalintii uu Xaqa Alle u yimid, sidii wacnayd qabriga loogu sii gelbiyey, xafladahii xuskiisa iyo Jaamacadda Hargeysa ee magaciisa la siiyey. Ragannimada Yuusuf Xaaji Aadan waa taas.
Qalinkii: Rashiid Sheekh.Cabdillaahi Xaaji Axmed (Gadhweyne)

1 Like